Jawaabaha su'aalaha caanka ah ee ku saabsan Suuqweyn.
Caan ah
Hoyraadi maxuu yahay?
Meel aad guri kiro ah uga raadsato Muqdisho. Waxaad cod u duubtaa ama buuxisaa waxaad rabto, codsigaagana waxaa helaya dalaalada iyo milkiilayaasha degmadaas — iyaguna way kuu soo jawaabayaan.
Guri ma iibsan karaa?
Maya. Hoyraadi waa kiro keliya. Qiime kasta oo aad halkan ka aragto waa bishii.
Magaalooyinka aad ka shaqeysaan?
Muqdisho, 20 degmo. Magaalooyin kale weli ma furin.
Lacag ma bixinayaa?
Maya, ma bixinaysid si aad u raadiso. Codsi dirista, guryaha daawashadooda iyo booqashadu waa bilaash. Waxaad wax bixinaysaa oo keliya haddii aad guri qaadato.
Codsiga
Codsi sidee loo diraa?
Guji "Codsi kiro dirso", duub cod aad ku sheegayso waxaad rabto, dooro degmada, geli lambarkaaga, kadibna dir. Haddii aanad rabin inaad cod duubto, qaybaha ayaad buuxin kartaa — labaduba waa isku mid.
Cod ma duubaa mise waan qori karaa?
Codku waa ikhtiyaari. Qaybaha aad dooratay — qolalka, degmada, lacagta — ayaa codsi dhammaystiran ka dhigaya mid dalaalku jawaabi karo.
Goorma ayaan jawaab helayaa?
Caadi ahaan 24 saac gudahood. Waxaad jawaabaha ka arkaysaa "Codsiyadayda", mid walbana wuxuu leeyahay qiime iyo mararka qaarkood cod uu dalaalku kuu duubay.
Lambarkayga ma arkaan dalaalada?
Maya. Dalaalku wuxuu arkaa waxaad rabto iyo degmada keliya. Hoyraadi ayaa idin xidhiidhinaya marka jawaab timaado.
Guryaha
Sawirrada ma dhab baa?
Waxaa soo dhigaya milkiilaha ama dalaalka. Haddii aad aragto guri aan sawirkiisa u ekayn, noo sheeg — waan baarnaa, waana ka qaadi karnaa.
Guri sidee baan u arkaa?
Fur guriga, kadibna codso booqasho. Haddii aanad magaalada joogin, waxaad diri kartaa qof aad aaminto — qaraabo ama wakiil — inuu kuu booqdo.
Carbuunka iyo hore-bixinta?
Guri walba wuu kala duwan yahay, waana ku qoran yahay bogga guriga. Lacagna ha bixin ka hor inta aadan guriga arag.
Guri soo dhigis
Guri ma soo dhigi karaa?
Haa. Guji "Guri cusub geli", buuxi qaybaha, sawirrana ku dar haddii aad haysato. Sawirro la’aan waa la diri karaa, laakiin guryaha sawirrada leh ayaa jawaab badan hela.
Goorma ayuu muuqanayaa?
Kooxda Hoyraadi ayaa marka hore eegaysa. Marka la ansixiyo wuu soo baxayaa, ogeysiisna waad helaysaa.
Dalaal ma noqon karaa?
Haa. Samee akoon dalaal, dooro degmooyinka aad ka shaqeyso, kadibna codsiyada degmooyinkaas waad heli doontaa markay yimaadaan.
Akoonka
Akoon ma u baahanahay?
Guryaha waxaad eegi kartaa adigoon soo gelin. Akoon waxaad u baahan tahay marka aad codsi dirayso, guri keydinayso ama fariin dirayso.
Akoonkayga ma tirtiri karaa?
Haa — Dejinta ⟶ "Tirtir akoonka". Waxaa la tirtirayaa akoonkaaga, codsiyadaada, guryahaaga iyo fariimahaaga. Lama soo celin karo.