Cusboonaysiin: 20 Oktoobar 2026. Waxaan kuu sheegaynaa si cad waxa aan ururinno iyo cidda arka.
1. Waxa aan ururinno
- Akoonka: magacaaga, lambarka taleefankaaga, emailka (haddii aad ku gashid), degmada, iyo sawirka profile-ka haddii aad mid geliso.
- Codsiga: waxaad raadinayso — nooca guriga, qolalka, degmada, xaafadda iyo lacagta aad bixin karto.
- Codka aad duubto: haddii aad codsi cod ku dirto, duubistaas waan kaydinnaa oo waxaa dhageysanaya dalaalada iyo milkiilayaasha degmada aad dooratay, iyo shaqaalaha Hoyraadi. Lambarkaaga ha ku sheegin codka — wax aan ka tirtiri karno cod ma jiraan.
- Guryaha aad soo dhigto: sawirrada iyo macluumaadka guriga. Kuwaasi waa kuwo dadweynuhu arko.
- Fariimaha: wixii aad kula dirto dadka kale ama taageerada Hoyraadi.
- Isticmaalka: guryaha aad aragto iyo keydiso, iyo tirade yar ee qalabka (push token) haddii aad ogeysiisyada daarto.
2. Waxa aanan ururin
Hoyraadi lacag kama qaado app-ka ama websaydka, sidaas darteed PIN, kaadh ama xisaab bangi ma hayno. Ma isticmaalno cookies lagugu daba socdo, mana lihin analytics shirkad kale. Hal cookie oo keliya ayaa jirta: midda ku haysa inaad soo gashay.
3. Cidda arka
- Dalaalada iyo milkiilayaasha degmada aad dooratay waxay arkaan codsigaaga iyo codkaaga — laakiin lambarkaaga ma arkaan. Hoyraadi ayaa idin xidhiidhinaya.
- Shaqaalaha Hoyraadi waxay arkaan xogta loo baahan yahay si ay codsiga u maareeyaan oo ay taageero u fidiyaan.
- Adeegyada aan ku shaqeyno: Supabase (kaydka xogta iyo soo-gelinta), Google/Expo (ogeysiisyada), iyo adeege SMS marka la daaro. Xogtaada ma iibino cidna.
4. Muddada aan haysanno
Inta akoonkaagu furan yahay. Markaad akoonka tirtirto, waxaan tirtirnaa akoonkaaga, codsiyadaada, guryahaaga iyo fariimahaaga. Duubista codku waxay ka tagtaa kaydka, balse nuqul lagu hayo server-rada caalamiga ah (CDN) wuxuu muddo gaaban sii jiri karaa.
5. Xuquuqdaada
- Waad arki kartaa oo beddeli kartaa macluumaadkaaga: Akoonka ⟶ Macluumaadka shakhsiga.
- Waad tirtiri kartaa akoonkaaga: Dejinta ⟶ Tirtir akoonka. Lama soo celin karo.
- Waad joojin kartaa ogeysiisyada: Akoonka ⟶ Ogeysiisyada.
- Su’aal ma qabtaa? Nala soo xiriir.
6. Carruurta
Hoyraadi waxaa loogu talagalay dadka 18 jir ka weyn.
7. Isbeddelka
Haddii aan tan beddelno, taariikhda kore waan cusboonaysiinaynaa, isbeddel waaweynna waan kuu soo sheegaynaa app-ka gudihiisa.